Pages

Monday, March 23, 2015

Taariikh nololeedkii halyaygii waynaa Gabyaagii Abwaan Siciid Maxamud Siyad Xaydho (Gacameey)

“Waxba yaan sintaaca, iyo kursiga
                                  ***la isku saabayne
Waxba yaan, sariiraha sharaxan
                                       *** suxulku aasnaane 
Waxba yaan, sigaarkiyo qamriga
                                       *** sooryo loo bixine 
Waxba yaan, saraha fooqa dheer
                                      *** saami loo gadane 
Waxba yaan, bangaha jeeg sawiran,
                                     *** Saynab loo dirine
Waxba yaan, saxiix iyo qoraal,
                                    *** qalinku saarnaane 
Waxba yaan, ninkaan saatan rabin,
                                   *** saawir loo tumane 
Waxba yaan, sandhuublaha cabsida,
                                  *** sahan la koorayne 
Waxba yaan, sakiintiyo midida,
                                ***  suulka lagu hayne
 Waxba yaan, orgiga sararta wayn,
                               *** Suuban loo qaline 
Waxba yaan, sareeyaw habluhu  
                               *** kuugu sacabayne
Waxba yaan, Sacuudiga latagin,
                              ***  saacad dabadeede 
Waxba yaan, sabool baa nadiley,
                             *** saaxib loo orane
 Waxba yaan, baryaan subaxna harin,
                                  *** loogu sii socone 
Waxba yaan, sinaan iyo midnimo
                                  *** lays sabaalayne 
Waxba yaan, siyaasada guracan,
                                 *** sookac lay orane”
Siciid gacamay magaciisa waxaa layiraa siciid abihiisna sh Maxamud awoowgiisna siyaad xaydho siciid waxaa lagu naynaasaa Gacameey waxaana loogu naynaasay gacan ayuu la,aa abwaan siciid wuxuu ku dhashay miyiga tuulada docolay waqooyi bari kaga beegan magaalada Cadaado taariikhdu markii ay ku beegneed 1958, siciid gacamay wuxuu ku barbaaray dhulka miyiga ah ku hareeyaysan magaalada cadaado wuxuuna quraanka kariim ka ah kubartay xiligii uu ku sugnaa miyiga ka dib wuxuu bilaabay abwaan siciid wuxuu jiclaay gabayada iyo murtida iyo hal abuurka abihiis Maxamuud siyaad xaydho wuxuu ahaa abwaan weyn oo caan ah oo aad loogayaqaan gobolada dhexe aadna u hal abuur badnaa uguna hal abuurka badanaa sidaas agowgeed abwaan gacamey uu yahay mid kasoojeeda qoys ku xeel dheeraaaday gabayada iyo hal abuurka maadaama uu yahay abwaan ina abwaan

xarigii abwaan siciid

abwaan siciid waxaa xiray dowladii kacaanka oo uu hogaaminaayay rajiimkii Maxamed Siyaad Barre sababta looxirayna waxay ahayd in markii uu arkay cadaalad darada iyo qabyaalada maldahan oo qoyskiisa lagu hayo in uu bilaabay gabayo iyo hal abuurro uu uga soo horjeedo hogaanka iyo maamulka Cadaalad darrada iyo Qabyaalada ku dhisan oo waliba sida khaaska ah loogu xasuuqayo beeshiisa sidaas owgeed abwaan siciid wuxuu tiriyay gabayo uu ku dhiirigalinayo bulshada soomaaliyeed oo uu ku duubi jiray canjalado uu uu udiri jiray bulshada soomaaliyeed sidoo kale uu ku fahansiinayo gumaysiga maldahan iyo shareeca kahor imaatinka uu wado Maxamed Siyaad Barre iyo taliskiisa qarashkii loogu talagalay in qaranka soomaaliyeed lagu daafaco oo loo adeegsaday in Lagu Gumaado shacabka qaasatan beesha Habar-Gidir dagaalkii iyo gumaad kii uu ugaystay beesha reer xaaji saleemaan. Abwan Siciid gacameey allaha u raxmadee wuxuu qeyb libaax ka qaatay halgankii looga soo horjeeday xukuumadii kaliga taliska ahey ee uu madxda ka ahaa Gen Moxamed Siyad Barre. Abwaanka waxaa lugu xasuusta Geesinimada iyo sida u uqaatay go,aan geesinimo leh Wuxuu gabayo baraarujin ah oo is daba joog ah kasoo tiri jiray halkaa iyadoo shacabka somaliyeedna dhag jalaq usiin diiday hanjabaadihii xukumada ee ahaa in cidii lugu arko isagoo dhageysanaya gabayada Gacameey eey mudan doonto ciqaab adag. Allaha u naxariis tee Abwan Sicid Moxamuud Siyad (gacamey) wuxuu ku dhintay magaalada jilib ee gobolka jubada hoose sanad kii 1992 kii kadib markii niman dableey ah eey si gaadmo ah xabado ugu fureen baabuur kiisii.

Gabayadii Abwaan Gacamay

  • dardaaran
  • dhagaxtuur
  • sidaad doonto yeel
  • guubaabo
  • godob curiye
  • filamayn
  • qamuunyo
  • nasiib buundo
  • nabada tiirkaan ku xiray
  • u furfura
  • habarwacad

Wax magalabsan maadatada lawaray dooxa gabileey,
" maangaab gumaysiga rabaan garan ujeedkiine,
kan gariinka lugu tiranayaan garan ujeedkiine,
guulwade gawaad laga dhigtaan garan ujeedkiine,
go' xariir ah ayaad mudantihiin garashadaydiiye,
gabdho ugub ayaad mudantihiin gebi ahaantiine,
gobanimo ayaad mudantihiin garashadaydiiye,




Dunidii sabaan baa ka
dhacay, saxo kaliileede
Suluf iyo abaar, iyo colaad,
soohan laga sheegye
Saxal baa ku dhacay,
uumiyihii, sun iyo baaruude
Saymuhu halkey gali jireen,
soofna laga waaye
Sareedada dadkii haysan
jiray, saxal ku weynaaye
Saaciyo Mariiqii wacnaa,
seege waayahane
Xidigii sarayn jiray, wakaa
saaka foorara’e
Sanka duul ka xiran baan
nahoo, seeto loo dhigaye
Sodan guura baa lagu, jiraa
saamo gadataahe
Waa silic ku joog iyo,
gunimo sabab la’aanede
Cirkuna waa sawaarayn
jiree, sagalki loo diidye
Samartiino weeyaan hadaad,
Guga sugaysaane
Sanadkii inuu baaqdey, baa
sahan ku sheegeene
Oo saahiro banana baa cidii,
saabka loo dhigaye
Geelu wuxuu ka soofaa
caradii, soomanka ahayde
Sadna kuma hayoo, waa
dhulkii saymo raagsadaye
Sinbiriiraxadu waa waxaa
solay, jirkeygiiye
Soofaha wax gooyiyo,
birtuba, sahan afkoodiiye
Samaha iyo qayradku, way
iga sokeeyaane
Sakaraadka iyo mowdka
dhaca, waw sigtoonahaye
Inta seeftu ciida iga taal,
mooyi saan noqone
Yaan la kala saraynbaa,
qalqiga loogu saar tumaye
Sokeeeyiyo, qabiil iyo xigtey,
noo sardahayaane
Soomaalidu hanoolato, aan
waana lagu seexan
Waxay hadal ku suub
sanahayaan, siman
dadkeeniiye
Hayeeshee sal iyo baar,
macnaha waan la soconaaye
Waxa suuqa yaaliyo, jirada
uunka wada saaqday
Safarada iyo gaajada, dadkii
seeda ka idleysay
Saqiir xalay dhashaa waa
ogyahay, xaalku suu yahaye
Marse hadaan saadaashii
furay, saami qabarkeyga
Oo aan seexan waayee,
hurdada salaley oo toosay
Oo waliba sawaare cilmi,
qayb saaray dibintayda
Saluug buu I taray, beyd
guntane, saan u faashadaye
Cimradii sokeeyaha jaclayd,
iima soo bixine
Somacii lugaha seexan jiray,
sidig dariiqiye
Hadaan geed la siibiyo,
cagaar lagu sabaalaynin
Sideed inuu ku reer galo,
ankee suuro gali waydey
Moorada sadexan waa
Afyuub, waxa sameeyaaye
Mid hagaaga seexdiyo,
Bayaad dabinka kaa saara
Kol hadaan Guntane, suulku
hara calaf ku siineynin
Waan lagu sal dhigin, bayd
walaal, kaa salaan tagaye
Lama sugo sidiisaba hadaan,
soofka loo dhigine
Garba raarka waa kaa
samada, saaran oo tagaye
Safarlaaxig baa xigi lahayd,
saacad dabadeede
Nulqaduu sareedada u
waday, saaka ka irdhowye
Waxa Kooshin ii sabanayaa,
waa suf iyo beene
Afartaa sifeeyaye, hadaan
sadar kale u laabto
Waxba yaan sintaaca, iyo
kursiga la isku saabayne
Waxba yaan, sariiraha
sharaxan suxulku aasnaane
Waxba yaan, sigaarkiyo
qamriga sooryo loo bixine
Waxba yaan, saraha fooqa
dheer saami loo gadane
Waxba yaan, bangaha jeeg
sawiran, Saynab loo dirine
Waxba yaan, saxiix iyo
qoraal, qalinku saarnaane
Waxba yaan, ninkaan saatan
rabin, saawir loo tumane
Waxba yaan, sandhuublaha
cabsida, sahan la koorayne
Waxba yaan, sakiintiyo
midida, suulka lagu hayne
Waxba yaan, orgiga sararta
wayn, Suuban loo qaline
Waxba yaan, sareeyaw
habluhu kuugu sacabayne
Waxba yaan, Sacuudiga
latagin, saacad dabadeede
Waxba yaan, sabool baa
nadiley, saaxib loo orane
Waxba yaan, baryaan
subaxna harin, loogu sii
socone
Waxba yaan, sinaan iyo
midnimo lays sabaalayne
Waxba yaan, siyaasada
guracan, sookac lay orane
Hadii aad sasabo noo wade,
surinka noo jiiftay
Surka qabo hasiidayn
hadaad, xarig u soo haysay
Ogoow sidigta waa
diidantahay, sulub
hasheeniiye
Sanad yaashii ay naga
gurayd, suuxnay gaajada’e
Salaaf kiyo dhukaankii ka
hare, shilinti saarayde
Oo waa soo sadgoysoo
bariba, Saafi way dhaliye
Waysalaaxi doonaan ragii,
soomanaan jiraye
Suusac iyo dhiyadii hadii,
Eebe naga siiyo
Soo dhaweeya haamaha,
dad yahaw gaarney sami
hiiye
Soofkana Nugaal baa
wacnaa, seerihii Muduge
Sumaddii horaa looga dhigi,
sabada Hiiraane
Sinjigeeda nimankii lahaa,
lagama saanyoone
Sinta Dabare inay daaqdo
baa, Saafi loo wadaye
Soomaalidaa eegatoo, saami
ku lahayde
Samawade Abgaal baa
jeclaayo, keenay sahaydiiye
Sadex Cali Caray baa iyana,
seefahii tumaye
Inuu Cayrna saanada ugurto,
waa la soo saxaye
Saleebaan dhulkuu dago
ayaa sugayey, wiigaane
Sacad iyo Saruur baa jeclaa,
inay salaaxaane
Haday Caabudwaaq
siilistana, waa si gooniyahe
Sodon bari markii ay qadoo,
seeto lagu dhuujay
Sabaali hiimaarkii lagu
dabree, sibirtu dheeraatay
Habar saarqabtiyo dumar,
markuu wada salaaxaayey
Sadkaagii ka maashaye,
adaan samirka, eegayne
Warhooy salabka keen Irir,
haduu seefihii tumaye.

3 comments:

  1. alloww kuu naxariiso abwaan saciid gacamey
    wallaahi 1000 taalo baad naga mudantahay
    xurmada aankui hayo abwaan kale uma hayo wallee💚❤🙏

    ReplyDelete
  2. Allah uu naxariisto abwaanku waxa uu ahaa nin Somaali OO dhan uu halgamay , taariiqdiisa inaysan lumin waan ku faraxsanahy

    ReplyDelete
  3. AUN Abwaan Saciid Gacameey Hiil Iyo Hooba Dadkiisa Iyo Soomaalida Oodhan Wuulagarab Istaagey

    ReplyDelete