Pages

Monday, March 23, 2015

Taariikh nololeedkii halyaygii Ibrahim Rooble Warfaa (Colonel Doonyaale)



Halyeeyada Beesha Reer Xaaji Sulaymaan Waxaa ka mid ah Ibrahim Rooble Warfaa (Colonel Doonyaale) .

Ibrahim Rooble warfaa loona yaqaano doonyaale, wuxuu ku dhashay degaanka cadakbir oo koofur bari kaga beegan dagmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, tariikhdu markay ahayd 1923, wuxuu ku barbaaray degmada Ceelbuur. Wuxuu ku sugnaa ceelbuur 13sano. Xiligaas oo ahayd xilli uu gumaystihii talyaaniga gumaysan jiray soomaaliya. Xarumo waaweyn ee militari neh ku lahaa.Doonyaale wuxuu kamidnoqday ciidamadii soomaalida ee talyaanigu tababarayay, kadib wuxuu noqaday mid aad looga barto ceelbuur iyo ciidamada dhaxdooda. Muddo 3 sano kadib doonyaale wuxuu noqday ninka ugu esasyaanisan ciidanka, islamarkiina wuxuu noqday macalin tababare, wuxuuna tababarijiray ciidamada soomaalida oo dhan. wuxuu saaxiib la noqday aasaasihii ciidanka dalka soomaaliya janaraal Daa,uud Cabdule Xirsi. waxaana lagau naynaasi jiray doonyaale wuxuu ahaa doonyaale nin aad u iqtiraac badan aadna ufahma badan wuxuu qaatay darajada 1 deluge.


Tababarkii kornayl doonyaale ee italiya



kornayl doonyaale wuxuu kamid noqday 1954 ciidamadii ugu horeeyay ee dalka Talyaaniga tababar loogu qaado, asiga oo ahaa nika waliba looga tashanayay ciidanka raga ugu horeeya oo ugu firficoon waxayna ahaayeen 14 nin.

  •  colonle.ibraahim rooble warfaa doonyaale
  • Brigadier General Salaad Gabeyre Kediye
  • Colonel Abuukar Gacal Muudeey
  •  Brigadier General Mohamed Ali Mohamed “Sharmaan"
  • Colonel Hassan Mohamed Sabriye “Gaamuur"
  • Colonel Mohamed Nuur Mohamed “Baarqab"
  • Colonel Elmi Nuur Tarambi.
  • Lieutenant General Mohamed Ali Samatar.
  • Brigadier General Mohamed Farah Aideed.
  • Brigadier General Abuukar Xasan Weheliye “Suulaleey
  • Brigadier General Mohamed Jama Xarbi.
  • Brigadier General Nuur Addow Ali.
  •  Colonel Abdullahi Yusuf Ahmed
  • Major General Cabdalla Mohamed Faadil. 

Soolaabashaddii kornayl doonyaale



Doonyaale iyo ragii lasocday sadxsno kadib 1957 kii dib ayay ugu soolaabteen magaalada muqdisho. waxeyna sooraaceen 2 doon oo talyaanigauu leeeyahay

Tababaridiisii iyo sooxulidiisii ciidanka



kornayl doonyaale 1960 genaraal daa,uud cabdule xirsi aasaasihii xooga dalka soomaaliyeed wuxuu doonyaale iyo salaad gabeyre kadiye u magacaabay umagacaabay in ay soo qoraan oo ay sooxulaan kooxdii labaad oo talyaaniga loogu qaadi lahaa tababarka ragaas oo kala ahaa sidaan.
  •  col. aweys jaylaani oo ahaa nin reer xamarweynaa hadana kusugan mambaasa keenya
  •  col. maxamed ismaaiil ibraahim oo looyaqaano seer seer hadana kusuga wadanka germani
  •  col. maxamed axmed caalim kadibna noqday safiirka soomaliya u fadhiya bakistaan
  • col. xasan maxamuud rooble oo ku geeriyooday kampaala yugaandha
  • col. maxamed xasan bare tooxow oo ladilay xiligii siyaad bare
  •  captain maxamuud cali hawiye gacamey oo ahaa kuxigeen salaad gabeyre kadiye dhinaca milatariga kadina noqday madaxa isbitalka xooga ee magaalada muqdisho
  • col. maxamed sh aadan
  • col. cabdulahi axmed shire shamax
  •  col. awes sh maxamed
  • maxamed sh maxamuud qaamow
  • col. jaamac cali jaamac
  • major cumar xaaji masale oo xabsiga ay kuwada jiri jireen asaga iyo doonyaale kadibna siyaad bare uu xabsiga kasiidaayay asaga doonyaalana uu ugatagay
  •  major yuusuf axmed salxaan
  •  genaral yuusu axmed tallan
  •  genaral abuukar maxamad maxamuud aftooje
  •  major c/rashiid sh xasan
  •  genaral ciise cabdi
  • col.bashiir yuusuf cilmi
  • captain c/qaadir ciise cali
  • col.cabdi maxmed gaawiido
  • captin ismaciil muxiyadiin
  • captain saadaq maxamed
  •  maxamuud xuseen daa,uud
  •  col.cabdicaziiz xasan woomo
  •  col.cabdi warsame isxaaq
  •  col.cismaan maye
  •  col.cabdiqaadir xaaji maxamed masale
Kooxdaan waxey u qaybsameen sadax qayboo oo kala ah kooxda 1 madaxda baabuurta milatariga kooxda labaadan howlaha good ayagu waxey usiikalaqaybsameen sadax qaybood kooxda 3 waxay ahaayeen madaafiicaystayaasha


Waqtigii uu qaatay bilad geesiga



1964 markii uu bilowday dagaalkii qaraaraa ee soomaaliya iyo itopia col.doonyaale wuxuu ahaa ninkii ugu sareeyay ciidamada xooga dalka soomaaliyeed kana dhigay wacdaraha kayaabiyay ciidamadii xooga dalka soomaaliya waxuuna dagaalkaas kaadhigay wax soomaali ku cibra qaadato sidookale wuxuu qaatay 1964 kii bilad geesi oo uu noqday halyaaygii ugu horeeyay ee soomaaliyeed ee qaatay bilad geesi

kaqaybgalid la,aantii khacaankii milataiariga

doonyaale wuxuu ahaa nin aad u caqli badan aadna u xikmad dheer oo in dheer garad ah wuxuuna jeclaa mar walba in soomaaliya ay mid noqoto ayna hesho dowlad cadaalad ah oo loosimanyahay sidoo kale aan musuq maasuq lahayn wuxuuna kasoo horjeeday in soomaaliya uu hogaamiyo milatari aan wax khibrad ah u lahayn maamulka oo yaqaan sida uun xabada loo rido kaliya sidaas awgeed kama uu san qaygalin kacaankii milatariga ee 21 oktobar oo ay hogaaminaayeen maxamed siyaad bare iyo genaral salaad gabayre kadiye iyo ragii kale oo lasocday waxaa kalifay labo arimood oo kala ah 1 in aan waxaba laga ogaysiin asaga iyo ragii kale ee ugu sareyay milatariga sababta aan loo ogaysiina waxay ahayd waxaa la,ogaa in uusan aqabalayn in soomaaliya milatari hogaamiyo xataa haddii asaga laga dhigo madaxweyne ama ra,iisul wasaare

khilaafkii doonyaale iyo maxamed siyaad bare

col.doonyaale wuxuu kasoo horjeestay hogaankii iyo taliskii milatariga oo maxamed siyaaad bare uu madaxweynaha ka ahaa wuxuuna uga soo horjeestay in aysan maxamed siyaad bare iyo raga kale ee kacaanka hogaaminayay ay yihiin kaligi talisyaal aan maamul aqoon lakiin yaqaan uun sida dalka loo difaaco ama cadaowga looweeraro kaliya sidaas awgeed wuxuu qaadacay taliskii milatariga oo dhan maxamed siyaad bare wuxuu u yeeray col.doonyaale wuxuuna ku yiri waxaan rabaa in aad nala shaqaydo oo aan jago kuu dhiibno col.doonyaale wuxuu yiri ma,idinla shaqaynayo maxaa yeelay wadanka xoog ayaad ku qabsateen oo kuma aadna imaan rabitaan shacbi mana taqaaniin maamulka bulshada oo la idnima barin sidaas owgeed idinla shaqaymaayo maxamed siyaad bare wuxuu go,aansaday in uu cuna qabateeyo maxaayeelay wuxuu kabaqayay in uu afganbiyo oo uu isaga dilo sidaas owgeed wuxuu kamamnuucay shaqadii ciidanka oo dhan wuxuu umagacaabay in uu masuul kanoqdo warashaddii kaluunka ee laasqoray sidoo kale wuxuu kamamnuucay in ladalcsiiyo oo lasiiyo genaralnimo

xarigii col. Doonyaaale

col.doonyaale waxaa laxiray 1969 wuxuu xirnaa mudo aad u badan oo dhan ilaa tobansano waxaa lagu xiray xabsiyo dhowr ah sida xabsiga kobiyo labaatan jirow iyo xabsiga afgooye madadaas xabsiga uu ku jiray oo aad u badnayd wuxuu kafakari jiray in wadanka uu burburo ama ay qabsato xabashidu wuxuuna aad u nibcaa xabashida oo uu ka baqijiray in ay wadanka qabsadaan maadaama ragii wadanka difaaci jiray ragna ay dhinteen ragna basiyada laga buuxshay doonyaale waxaa lala xiray col.c/laahi yuusuf axmed iyo genaral maxamed faarax caydiid sadaxdooda oo ahaa ragii ugu sareyay ciidanka xooga dalka waxay xabsiga ku wada jireen modo badan maxamed siyaad ayaa laweydiiyay sababta ku kaliftay in uu xiro sadaxdaan nin wuxuu ku jawaabay nin dadka ayaan uga baqaa waa gen caydiid nina naftaydaan uga baqaa waa col. doonyaale nina dalkaan uga baqaa waa col.c/laahi yuusuf
waxaa uu dhinta allaha u naxariistee colonel Doonyaale 1991.............

1 comment:

  1. merit casino【VIP】✓️ Merit casino online free spins
    2021-11-29 메리트 카지노 【 Merit Casino online free spins】,Url:⚡【WG98.VIP】⚡, merit casino online free spins【阅读全文】,completes 1xbet korean sports betting 메리트 카지노 주소

    ReplyDelete