Pages

Monday, March 23, 2015

Cadaado waa wadnaha soomaaliya

Cadaado waa caasimad goboleedka Maamulka Ximan iyo Xeeb .. waxey ka tirsan tahey gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.Cadaado aad u baaxad wayn tahey oo u faaftay kadib burburkii ku habsady dowladii dhexe ee Soomaaliya. waxayna sidoo kale tahey Magaalada ugu dhismaha qurxuun Gobolada dhexe,waxaana lagu tilmaamaa in ay tahay caasimada gobolada dhexe maxaayeelay waa magaalada ugu weyn uguna bilicda qurxuun si weyn looga yaqaano dhamaan gobolada dhexe iyo waliba dalka Soomaaliya, waxaana dago beel ka mid ah beesha habar gidir ee hawiye waxaana lagu magacaabaa beesha reer xaaji saleebaan, waxaana ku nool dad aad u fara badan oo dhan 200,000-500,000.
Cadaado waxaa ku yaala ilaa 40 dugsiyo hoose / dhexe iyo 50 Dugsi sare waxaana mar dhow laga hirgalinayaa jaamacad cusub oo noqon doonta jaamacaddi ugu horresay ee laga hirgaliyo goboloda dhexe ee soomaaliya.
Degmadaan ganacsigeeda waxuu ku xiranyahay magalaada muqdisho iyo magaalooyinka u dhow, sida magaalada baladwayne iyo galkacyo iyo hargeysa iyo waliba boosaaso oo ah meelaha inta badan ay isku xiranyihiin .Caasimada cadaado waxaa ku yaala seelad wayn oo lagu iibiyo xoolaha loo dhoofiyo dalalka carbeed.Waxee leedahay warshado badan sida warshada biyaha saxa,warshada barafka,warshada hilibka,warshada kaluunka, iyo waliba kuwakale oobadan.Sidoo kale degmada Waxay leedahay garoon diyaaradeed caalami ah oo aad u wayn oo lagu magacaabo {adado international airport} garoonkaan oo ah garoonka ugu baaxada wey Soomaaliya marka laga reebo garoon caalamiga ah ee muqdisho iyo sidookale garoon ciyaareed farabadan oo gaaraya il 10 garoon ciyaareed.Cadaado waxee ka midtahay degmooyinka ugu amniga badan dalka Soomaaliya. cadaado waa caasimada maamul goboleedka ximan iyo xeeb sidoo kale waa xarunta gobolka ximan.
Dhanka Ganacsiga
Cadaado waxa ay leedahey Shirkado aad u badan oo Ganacsi oo isugu jira kuwo wax soo dajiya iyo kuwo wax dhoofiyo,, sidoo kale waxa ku yaala Xarunta Ugu weyn ee telefishinka KALSAN TV..iyo Xawaalada LADAN
Caasimada Cadaado waxaa ay ku Guuleysatey iney noqoto Caasimada ugu Amniga badan Gobolka waxana Taas u wehliya iney noqotey Caasimad aad u qurux badan...
Dhanka Caafimaadka
waxa Magaalada ku Yaala Xarumo badan oo caaafimaad oo ugu weyn isbitaalka Cadaaado oo ah runtii Hospital ka ugu Weyn Isbitaalada ka jira Gobolka, waxana uu markiiba Qaabilaa in ka badan 200 oo bukaan..
DHISMAHA MAAMULKA
22kii March sanadkii 2008 waxaa ka dhacay magaalada shaariqa ee dalka Imaraadka shir  hor dhac u ahaa sameenta maamul ay yeeshaan beesha reer xaaji saleebaan.
4tii may sanadkii 2008 ayaa lagu ansixiyay magaalada cadaado dhismaha maamulka ximan iyo xeeb.
12kii jun sanadkii 2008 ayay ahayd markii lagu qabtay  magaalada Cadaado xafladii gabangabada dhismaha maamulka, xafladaas ayaa looga dhawaaqay   madaxwaynaha maamulkaas Md.Mohamed Cabdalla Aadan (Tiiceey) .
GOOBAHA UU KA TALIYO MAAMULKA
Goobaha uu ka taliyo maamulku waa dhul aad ubalaaran oo xitaa goobaha qaarkiis isu jiraan inkabadan 360km, Dhulkan ayaa u qaybsama  labo qayb  oo kala ah ximan iyo xeeb.
qaybta ximan waa qaybta qorax sime ee xuduuda la leh wadanka Itoobiya, halka qaybta xeebna ay tahay qaybta la xiriirto badwaynta hindya.
Qaybta ximan ayaa u kala qaadi doonaa 2bo qaybood oo kala ah qoraxsin iyo bari , sidoo kale qaybta xeeb ayaan iyadana u kala qaadi doonaa qoraxsin iyo bari.
Hadii aan ku hormarno qaybta ximan qoraxsinkeeda waxaan ka xusi doona deegaamo kooban oo aan.isleenahay tusaale way u noqon karaan waana sida soo socota :-




1: Cadaado
6:Hogdugag
11:Bali senyone
16: Dacdheer
2: Godinlabe
7: Miirjiicley
12:Dhuumodle
17: Dayenno
3: Xanan bure
8:Goddhurwaa
13: Dibira
18:Risle
4: Qaradhi
9:Bowda dhogore
14: bali sokor
19: Docoley
5: Xinjilab
10:Walaaleye
15:Tulo sarmaan
20:Beendhaarte

                            

Sidoo kale qaybta bari ee ximan waxaan iyana  ka xusi doonaa  deegaamada soo socdo:-
1: baxdo            
6: Iidoole                          
11: Ardo                   
16: Boholo                          
2: Qurdhumaanle
7:Gidhays                     
12: Kaxandho              
17: Bali xabaal         
3: Dudumacadde     
8:Siigaale
13: Lan wayn                     
18: Bali guuleed                     
4:Laaswardheere  
9:cadakibir               
14:dhagaxdheer                   
19: Daqay                         
5:Dhumodle             
10: qaayib                    
15: Dhagtuur                      
20: Daadhi    
            
Hadii aan sidoo kale ka hadalno Qaybta xeeb waxaan ku.hormaraynaa qoraxsinkeeda waxaana ka xusi doonaa deegaamada soo socdo:-
1:Camaara               
6: Caliwayd                                    
11:Caad                    
2:Seego                    
7:Ceelgod                 
12:Korodhi                  
3:Ceelduur
8:Xinlabi                 
13:Deey                    
4:Qaydaro               
9:Dabagalo
14: Dumaaye 
5: Maarsamage 
16:Qalaanqal            
17:Barbarcad           
18:Gumar                  
19:Miliqo
20:Galcadaad

Sidoo kale qaybta xeeb dhineceeda bari waxaan ka xusi doonaa iyana deegaamada soo socdo:-
l:Hobyo
2:Xin barwaaqo
3:Xingomod                       
4:Ceelhuur
5:Lafacade                         
6:Xarardheere
7:Saqiiro                          
8:Qosoltire
9:Faax                            
10:Gaan
11:Bacaadweyn       
12:Warshubo

















No comments:

Post a Comment