Pages

Monday, March 21, 2016

Caasimadda Cadaado

Cadaado: waa xarunta ganacsiga maamulka Galmudug waana mid ka mid ah degmooyinka gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Inkastoo ay ka mid aheyd degmooyinkii la magacaabay xiligii dawladii dhexe hadana waxa ay sameysay horumar aad u ballaaran oo xaga dhismaha,waxbarashada,ganacsiga,Isbitaalada iyo warbaahinta wixii ka dambeeyey burburkii dawladii dhexe ee soomaaliya.



Waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay magaalada ugu bilicda iyo dhismayaasha wanaagsan guud ahaan degmooyinka gobolka Galgaduud taasi oo keentay in ay marti galiso shirkii lagu dhisay maamulka Galmudug sidoo kalena si aan kala joogsi la heyn booqasho ugu tagaan Mas’uuliyiinta dawlada federal-ka ee soomaaliya.
Madaxdii dawladihii is xig xigay ee dalka ayaa lagu xasuustaa in ay tageen magaalada Cadaado ee xarunta ganacsiga maamulka Galmudug qaarkoodna maalmo iyo habeeno halkaasi ay ku sugnaayeen.
labo ka mid ah madaxweynayaashii soomaaliya oo kala ah Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Muxamuud ayaa lagu xasuustaa in ay tageen magaalada Cadaado iyagoo hogaaminayo wufuud markaasi ku jiray dawladihii madaxda ay ahaayeen.
Waxa ay leedahay magaalada Cadaado Airpot kaasi oo leh Terminal aad u bilic wanaagsan .
Adado International Airport ayaa lagu tilmaami karaa in uu yahay mid ka mid ah garoomada ugu mashquulka badan gobolada dhexe ee soomaaliya waxaana isticmaalo shirkadaha diyaaradaha ee dalka qaarkood kuwaas oo sida siyaasiyiin iyo shacab magaalada ku wajahan.
Waxbarashada :
Magaalada Cadaado ee xarunta ganacsiga Galmudug waxaa ku yaalo 25 dugsiyo Hoose/Dhexe iyo  12Dugsiyo sare ah waxaa sidoo kale ku taalo xarunta jaamacada SIMAD ee gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Iskuulada ku yaala magaalada waxaa ka mid ah a)Imaamu Maalik   b) Hayaan    c)Suldaan Axmed Nuur.
d)Cumar-Faaruuq.    e) ileys    f) imaamu Nawawi  iyo kuwo kale.
Dadka ku dhaqan Cadaado ayaa ah kuwo lagu yaqaano barshada diinta islaamka iyadoo magaalada ay ku yaalaan Madaaris lagu barto shareecada islaamka.
Ganacsiga :
Degmadaan ganacsigeeda waxuu ku xiranyahay magaalooyinka muqdisho,beledwayne,Gaalkacyo,Hargeysa iyo Boosaaso oo ah meelaha ay leeyihiin xiriirka xaga ganacsiga ah.
Magaaladan cadaado waxaa ku yaala seelad aa u ballaaran oo lagu iibiyo xoolaha loo dhoofiyo dalalka carabta.
Waxaa ku yaalo magaalada suuqyo dadku ay ka adeegtaan oo isugu jiro kuwa dharka,Raashinka,Hilibka iyo adeeg yada kale ee dadku u baahan yihiin.
Qaar ka mid ah sshirkadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha dalka ayaa xarumo ka sameystay magaalada taas oo qeyb ka qaadatay hormarka ay sameynayso magaalada Cadaado.
Caafimaadka :
Waxaa magaalada Cadaado ku yaalo 2 isbitaal oo kala ah   A) Adado hospital.
B) Al-Biri hospital.
Adado hospital ayaa ah isbitaalkii dawlada waxa uuna markiiba qaabili karaa bukaano aad u badan.
Isbitaalka kale ee Al-Biri ayaa ah farac uu halkaasi ku leeyahay isbitaalka Al-Biri oo xaruntiisa ugu balaaran ay ku taalo magaalada Muqdisho.
Isbitaalada ku yaala gudaha magaalada Cadaado ayaa marka laga tago dadka magaalada ku dhaqan waxa ay sidoo kale qaabilaan dadka ka yimaada deegaanada ku dhow dhow magaalada ee aysan ka jirin xarumo caafimaad oo dadka u adeega.
Warbaahinta :
Magaalada Cadaado ee xarunta ganacsiga Galmudug waxaa ku yaalo dhawr idaacadood oo isugu jira idaacado saldhigooda rasmiga ah uu yahay magaalada iyo laamo ama faracyo halkaasi ay ka furteen idaacadaha muqdisho qaarkood.





Idaacaha ku yaalo magaalada waxaa ka mid ah :
a)    Idaacada Codka gobolada dhexe .
b)    Idaacada Al-ixsaan .
c)    Radio Cadaado .
d)    Goob joog FM.
e)    Radio Dalsan.
f)     Radio Muqdisho.
Sidoo kale magaalada waxaa wakiil wareedyo ka sameystay qaar ka mid ah idaacadaha iyo telefeshinada afka soomaaliga wax ku baahiya.
u magacaabitaanka xarunta ganacsiga Galmudug :
Magaaladan waxaa ka tali jiray isla markaana caasimad ay u aheyd maamulkii Ximan iyo xeeb oo ahaa maamul ay dhisteen dadka deegaanka, balse hada waxaa ka arimiya maamulka Galmudug oo lagu dhisay shir uu madaxweynaha Somaaliya xasan sheikh Muxamuud uu ka furay 16/04/2015-kii gudaha magaalada Cadaado.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed ayuu ku magacaabay in magaalada Cadaado ay tahy xarunta Ganacsiga maamulka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa ku sheegay wareegtada ka soo baxday xafiis kiisa in ka gadaal markuu eegay abaalka ay ku leedahay Cadaado oo ah halka lagu dhisay maamuka uu madaxda ka yahay ,amaanka ka jiro magaalada iyo in ay tahay meel u dayaarsan qabashada xilkaasi adag uu garwaaq saday in uu u magacaabo in ay noqoto xarunta xarunta ganacsiga maamulka Galmudug.
Maalintii ka dambeysay marka ay soo baxday wareegtada waxaa gudaha magaalada ka dhacay doorashada gudoomiyaha rugta ganacsiga maamulka Galmudug.

















Sunday, May 3, 2015

Gabay Qiiro leh  kana hadlaaya waqtiga la joogo iyo sida ay xaaladu u xumaatay

Abwaan Siciid Gacamay
dunidii sabaan  ka
dhacay, saxo kaliileede
Suluf iyo abaar, iyo colaad,
soohan laga sheegye
Saxal baa ku dhacay,
uumiyihii, sun iyo baaruude
Saymuhu halkey gali jireen,
soofna laga waaye
Sareedada dadkii haysan
jiray, saxal ku weynaaye
Saaciyo Mariiqii wacnaa,
seege waayahane
Xidigii sarayn jiray, wakaa
saaka foorara’e
Sanka duul ka xiran baan
nahoo, seeto loo dhigaye
Sodan guura baa lagu, jiraa
saamo gadataahe
Waa silic ku joog iyo,
gunimo sabab la’aanede
Cirkuna waa sawaarayn
jiree, sagalki loo diidye
Samartiino weeyaan hadaad,
Guga sugaysaane
Sanadkii inuu baaqdey, baa
sahan ku sheegeene
Oo saahiro banana baa cidii,
saabka loo dhigaye
Geelu wuxuu ka soofaa
caradii, soomanka ahayde
Sadna kuma hayoo, waa
dhulkii saymo raagsadaye
Sinbiriiraxadu waa waxaa
solay, jirkeygiiye
Soofaha wax gooyiyo,
birtuba, sahan afkoodiiye
Samaha iyo qayradku, way
iga sokeeyaane
Sakaraadka iyo mowdka
dhaca, waw sigtoonahaye
Inta seeftu ciida iga taal,
mooyi saan noqone
Yaan la kala saraynbaa,
qalqiga loogu saar tumaye
Sokeeeyiyo, qabiil iyo xigtey,
noo sardahayaane
Soomaalidu hanoolato, aan
waana lagu seexan
Waxay hadal ku suub
sanahayaan, siman
dadkeeniiye
Hayeeshee sal iyo baar,
macnaha waan la soconaaye
Waxa suuqa yaaliyo, jirada
uunka wada saaqday
Safarada iyo gaajada, dadkii
seeda ka idleysay
Saqiir xalay dhashaa waa
ogyahay, xaalku suu yahaye
Marse hadaan saadaashii
furay, saami qabarkeyga
Oo aan seexan waayee,
hurdada salaley oo toosay
Oo waliba sawaare cilmi,
qayb saaray dibintayda
Saluug buu I taray, beyd
guntane, saan u faashadaye
Cimradii sokeeyaha jaclayd,
iima soo bixine
Somacii lugaha seexan jiray,
sidig dariiqiye
Hadaan geed la siibiyo,
cagaar lagu sabaalaynin
Sideed inuu ku reer galo,
ankee suuro gali waydey
Moorada sadexan waa
Afyuub, waxa sameeyaaye
Mid hagaaga seexdiyo,
Bayaad dabinka kaa saara
Kol hadaan Guntane, suulku
hara calaf ku siineynin
Waan lagu sal dhigin, bayd
walaal, kaa salaan tagaye
Lama sugo sidiisaba hadaan,
soofka loo dhigine
Garba raarka waa kaa
samada, saaran oo tagaye
Safarlaaxig baa xigi lahayd,
saacad dabadeede
Nulqaduu sareedada u
waday, saaka ka irdhowye
Waxa Kooshin ii sabanayaa,
waa suf iyo beene
Afartaa sifeeyaye, hadaan
sadar kale u laabto
Waxba yaan sintaaca, iyo
kursiga la isku saabayne
Waxba yaan, sariiraha
sharaxan suxulku aasnaane
Waxba yaan, sigaarkiyo
qamriga sooryo loo bixine
Waxba yaan, saraha fooqa
dheer saami loo gadane
Waxba yaan, bangaha jeeg
sawiran, Saynab loo dirine
Waxba yaan, saxiix iyo
qoraal, qalinku saarnaane
Waxba yaan, ninkaan saatan
rabin, saawir loo tumane
Waxba yaan, sandhuublaha
cabsida, sahan la koorayne
Waxba yaan, sakiintiyo
midida, suulka lagu hayne
Waxba yaan, orgiga sararta
wayn, Suuban loo qaline
Waxba yaan, sareeyaw
habluhu kuugu sacabayne
Waxba yaan, Sacuudiga
latagin, saacad dabadeede
Waxba yaan, sabool baa
nadiley, saaxib loo orane
Waxba yaan, baryaan
subaxna harin, loogu sii
socone
Waxba yaan, sinaan iyo
midnimo lays sabaalayne
Waxba yaan, siyaasada
guracan, sookac lay orane
Hadii aad sasabo noo wade,
surinka noo jiiftay
Surka qabo hasiidayn
hadaad, xarig u soo haysay
Ogoow sidigta waa
diidantahay, sulub
hasheeniiye
Sanad yaashii ay naga
gurayd, suuxnay gaajada’e
Salaaf kiyo dhukaankii ka
hare, shilinti saarayde
Oo waa soo sadgoysoo
bariba, Saafi way dhaliye
Waysalaaxi doonaan ragii,
soomanaan jiraye
Suusac iyo dhiyadii hadii,
Eebe naga siiyo
Soo dhaweeya haamaha,
dad yahaw gaarney sami
hiiye
Soofkana Nugaal baa
wacnaa, seerihii Muduge
Sumaddii horaa looga dhigi,
sabada Hiiraane
Sinjigeeda nimankii lahaa,
lagama saanyoone
Sinta Dabare inay daaqdo
baa, Saafi loo wadaye
Soomaalidaa eegatoo, saami
ku lahayde
Samawade Abgaal baa
jeclaayo, keenay sahaydiiye
Sadex Cali Caray baa iyana,
seefahii tumaye
Inuu Cayrna saanada ugurto,
waa la soo saxaye
Saleebaan dhulkuu dago
ayaa sugayey, wiigaane
Sacad iyo Saruur baa jeclaa,
inay salaaxaane
Haday Caabudwaaq
siilistana, waa si gooniyahe
Sodon bari markii ay qadoo,
seeto lagu dhuujay
Sabaali hiimaarkii lagu
dabree, sibirtu dheeraatay
Habar saarqabtiyo dumar,
markuu wada salaaxaayey
Sadkaagii ka maashaye,
adaan samirka, eegayne
Warhooy salabka keen Irir,
haduu seefihii tumaye.